Baadda iyo Cashuurta Al Shabaab, beecmushtariga ka qaado
Baadda iyo cashuur ururinta Al Shabaab, waa mid baahsan. Beecmushtariga, shaqaalaha dowladda Federaalka iyo dowlad gobolleedyaduba waa ay bixiyaan cashuurta Al Shabaab. Qaabka cashuur ururinta Al Shabaab, waa mid aad uga hufan kuwa Dawladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada dalka. Intaasi waa araar ay ku daahfurtay warixinteeda Macadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal.
Boqol iyo siddeetan (180) malyuun oo dollar ayaa Al Shabaab sanadkii, baad uga qaaddaa ganacsatada, shaqaalaha dowladda iyo hey’adaha samafalka ka shaqeeya ee gudaha dalka. Baaddaasi waa dhaqaale maaliyadeed oo aad u xoog badan oo Al Shabaab, ku maareyso howlgallada amni xumo ee dagaal yahannadeedu dalka ka fuliyaan.
Ma jiro ganacsade jooga Mogadishu, Boosaaso iyo Jowhar oo aan bixin baadda Al Shabaab. Kismaayo iyo Baydhawa, beecmushtariga jooga boqolkii todobaatan (70%) ayaa bixiya lacagta Al Shabaab.
Baydhawa, boqolkii shan iyo labaatan (25%) ayaa ku qanacsan bixinta lacagta Al Shabaab. Kismaayo iyo Jowhar, boqolkii labaatan (20%) ayaa ku faraxsan taageerada dhaqaale ee ay siinayaan Al Shabaab, siddeetan boqolkii (80%) waa ay ka soo horjeedaan.
Mogadishu iyo Boosaaso, boqolkiiba boqol (100%) waa suluugsan yihiin bixinta baadda Al Shabaab. Hayeeshee, dowladdii ka xigsan lahayd Al Shabaab, oo damaanad amni siin lahayd nafta iyo hantida ganacsatada ayaa suuqa amniga siyaasadda ka maqan.
Ganacsatada, shaqaalaha dowladda iyo samafalayaasha xogta laga aruurshay midna ma qabo in baadda Al Shabaab, sharciyad diimeed iyo mid madani leedahay. Hayeeshee, feer, faro laab iyo sankudulle ayey ku bixiyaan dhaqaalahaas, ayaga oo naftooda, hantida iyo shaqada ay ku jiraan u baqaya.
Kaadiriinta Al Shabaab ee qaada lacagaha, waxa ay awooddaan in ay helaan xogta rasmiga ah iyo sahanka hantida usoo degaysa ganacsatada. Helidda xogta ayaa u saamaxda Al Shabaab, in ay garato nooca cashuur ay ka qaadayso badeecada soo degtay. Manifeestada faahfaahineysa badeecada u soo degta ganacsatada ayaa Al Shabaab, ka heshaa shaqaalaha dawladda, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dekedaha Mogadishu, Boosaaso iyo Kismaayo.
Al Shabaab xogtaan faahfaahsan ee manifeestada badeecada, waxa ay u adeegsataa in ay dalbato cashuurta kastamka ee dhammaan wixii la soo dejiyay. Beecmushtariga, bixiya baadda Al Shabaab, waxay helaan damaanad badqab iyo in ay aadaan halka ay rabaan, halka kuwa diida mutaan ciqaab iyo cabsi gelin noloshooda halis galinaya.
Qaabka Al Shabaab, lacagta u gurto maahan qarsoodi. Mana ahan mudgi iyo habeen madow ee waa farsamo iyo xeelad bannaan yaal ah. Xogta Macadka Hiraal, ayaa tibaaxaysa in Al Shabaab, wakiilo lacagta u gura ku leeyihiin laamaha Dowladda, ganacsatada iyo howl waddeenno xisaabta Bangiyada iyo xawaaladaha u maamula. Lacagaha yar danabka iyo adeegga EVC Plus iyo Sahal ayaa lagu diraa. Xaddiga lacagta badan, xawaalad iyo rag kala roga ayaa la mariyaa.
Shan iyo toban (15) malyuun oo dollar ayaa Al Shabaab, bishii ka ururisaa Mogadishu, Boosaaso, Kismaayo, Jowhar iyo Baydhawa. Lacagtaas kala bar beecmushtariga Mogadishu ayaa bixiya. Ganacsata bixisa lacagta walaaca ay qabaan iyo lacagta ay bixiyaan dowladda waa ay la socodsiiyaan. Hayeeshee, tallaabo sharci, howlgal iyo mid ugaarsi oo dowladdu weli qaaday ma jirto.
Xogta Macadka Hiraal oo Soomaali iyo Ingiriisi ku qoran fadlan uga bogo halkaan.