Ma aha iibsi
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo difaacaya isfahamkii Caruusha, ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya October 28, 1967, ayaa Raadiyaha Muqdishu, ka sheegay intaas, maalin kadib markuu yimid Xamar.
Waxaa Muqdisho ka dhacay mudaharaadyo lagaga soo horjeeday is—afgaradkii Caruusha. Cigaal, oo la yaaban diidma dadka qaar ayaa yiri, “waxaan ognahay in ay wataan ujeedo raqiis ah” iyo in ay isku dayayaan in dadwaynaha ka dhaadhiciyaan in hammigii iyo mabda’ii Soomaalida laga leexday kulamadii Caruusha iyo Addis Ababa iyo in dhulka Soomaalida la iibsaday.
Cigaal, waxuu ku celiyey, ‘‘mar haddii Kenya, aqbashay in ay nabad galinayso dadka Soomaaliyeed, ee ku dhaqan NFD, isla markaasna albaabadu u furanyihiin wada hadal iyo wada xaajood ku saabsan mustaqbalkooda, taas ma lagu magacaabi karaa iibsi? Ma waxaa iibsi ah in Kenya, aqbashay in ay albaabka u furto guddiga hawlgalka oo ka kooban xubno ka socda Zambia, Kenya iyo Soomaaliya? Taas waxaan ka dhahayaa ma aha iibsi“. Cigaal, Ra’iisul Wasaaranimada, waxaa u dheeraa wakhtigaas, in uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya.
SYL, ayaa aad u diiday isfahamka iyo qaabka Xukuumada Soomaaliya, howsha u maareysay. Xukuumada oo culayska SYL, xamili weyday ayaa November 14, 1967 xirtay xarunta dhexe ee xisbiga. Xukuumada ayaa SYL iyo xoghayahii guud ee xisbiga, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, oo horey Ra’iisul Wasaare, usoo noqday ku eedaysa, “khudbad abuurtay arrimo halis gelinaya nabadda iyo amniga dalka”. Amarka lagu xiray xarunta xisbiga waxaa Xukuumada Cigaal, u fuliyey Guddoomiyahii Gobolka Banaadir ee xilligaas.
Markii la xiray xaruntii xisbiga, waxaa kulan degdeg ah yeeshay Golaha Dhexe ee SYL, waxayna xubinnimadii xisbiga ka saareen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. SYL, waxay ku eedeysay Cigaal, iyo xubno katirsan wasiiradiisu in ay xubnaha xisbiga ka dhex abuurayaan tafaraaruq iyo kala qaybsanaan sababi karta burbur ku yimaada xisbiga.
SYL, xisbi mucaarad ah ma ahayn. Xisbiga talada dalka haya ayuu ahaa. Golaha Shacabka oo 124 xubnood ka koobnaa, waxaa SYL ahaa 105 xildhibaan. Haddana xukuumada oo arrinkaas si deg deg iyo ka fiirsasho la’aan ah ku gashay ayey toosinayeen.
SYL, xisbiyada kale ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed inta xog ogaalka ahi waa ogeyd soo bixidii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo doorka Mareynkan iyo Ingiriiska oo isku daabnaa ku lahaayeen doorashadooda. SYL, waxay qabtay in inta aan isfaham iyo heshiis toona Kenya iyo Ethiopia, lala gelin in golayaasha dalku ka dooddaan, khuburana loo saaro waxa dariska nooga maqan. Badelkeeda xukuumadii Cigaal, ayada oo aan intaas sameyn ayey heshiishyo horudhaca la gaartay Ethiopia iyo Kenya. Wakhtigaas shaqaaqooyin naf iyo maal galaaftay ayaa xadka Kenya iyo Soomaaliya ka socday.
Golaha Shacabka ayey gaartay dooddii Caruusha. Labo mooshin ayaa Baarlamaanku qabtay, oo ku saabsan isfahamka Caruusha iyo Is—Afgaradkii Soomaaliya la gashay Kenya iyo Ethiopia. Mooshinka koowaad waxaa soo gudbiyey sideed (8) xildhibaan. Mooshinkaasi waxa uu baarlamaanka ugu baaqay in ay is—afgarad ka dhigto waxba kama jiraan. Mooshinka kale waxaa soo gudbiyay 35 xildhibaan, oo doonayey in wax laga badelo, lana dhaqan geliyo qodobada isfahamka.
Siddeedda (8) Xildhibaan ee soo bandhigey mooshinka ka dhanka ah heshiiska ee dhaliilayay Xukuumada Cigaal, waxay ka tirsanaayeen xisbiga talada hayey ee SYL, waxaana shan ka mid ah ay ahaayeen Wasiiro ka tirsanaa xukuumadii ka horaysey tan Cigaal, hogaaminayo. Waxay sheegeen in ay aad uga xunyihiin in dhulka Soomaaliyeed lagu wareejiyo xukun shisheeye. 35–ta Xildhibaan ee soo jeediyey mooshinka raacsan Xukuumada, waxaa kamid ahaa laba xubnood oo ka tirsanaa dawladii ka horaysey tan Cigaal. Waxayna qabeen arrinta dhulka in lagu xaliyo si nabad galyo ah.
Toban cisho oo dood iyo soo jeedino is diidan kadib, dooddii Baarlamaanka, waa la soo gabagabeeyey November 23, 1967. Sadex isfaham oo Xukuumadu Soomaaliya la gashay dalalka dariska ah oo midba meel ka dhacay (Kinshasa, Addis Ababa iyo Caruusha), ayaa Golaha Shacabka iskuraaceen in wax laga badelo, kaas oo Xukuumada u ogolaanayey in ay sii wado arrimihii ay ka bilowday kulankii Addis Ababa. Markii cod lagaliyey 89 xildhibaan ayaa ogalaatay, 1 xildhibaana waa diiday, iyo Afar xidlhibaan ayaa ka aamusay. Sidaas ayaa qorshihii Xukuumada loogu gudbiyey (89 HAA iyo 1 MAYA iyo 4 AAMUS AH).
Heshiisyada dhulka Soomaalida, ku saabsan dad badan ayaa qabay in si miyir qab ah loo galo. Xubnahaas waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Ciise Maxamuud, ee xukuumada Cigaal, hogaaminayo Wasiirkii Ganacsiga ka ahaa, horeyna Wasiirka Arrimaha Dibada, u soo noqday iyo Xoghayihii Guud ee SYL, ka hor xorriyada. Sidoo kale xisbiyadii kale ee mucaaradka ahaa sida SNC (Socialist National Congress) iyo SDU (Somali Democratic Union), ayaa talo taas lamid ah xukuumada siiyey.
Inta Soomaalidu, ku mashquulsanayd buuqa uu dhaliyey isfahamka Caruusha, Kenya waxay raadinaysay xulufo ay Soomaalida iskaga caabiso, hadduu burburo heshiisyada horudhaca ahaa. Labo maalin uun kadib saxiixa isfahamka Caruusha, (October 31, 1967), waxaa magaalada Addis Ababa, tagay Madaxweynahii Kenya, Jomo Kenyatta, oo hoggaaminayay wafti ay kamid ahaayeen Wasiirkii Difaaca Dr. Njoroge Mungai, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibada Koinange, Wasiirka Warfaafinta Mr. Osogo iyo kuxigeenka Taliyaha Ciidanka Qalabka sida ee Kenya Col. Mulinge. Waftigaasi waxay kulan la yeesheen Boqor Xayle Salaase. Sida ay xilligaas jariidada Daily Nation, baahisay waxay ka wada hadleen sida ay ka yeeli doonaan haddii Soomaalidu, ka baxdo isfahamka hadda lala gaaray iyo dabcan haddii Soomaali, gacan ka hadal wax ku raadiso.
Safarkaas, waxaa ka horeeyey safar, Madaxweyne kuxigeenka Kenya, ku tagay Addis Ababa iyo Qaahira. Daniel Arap Moi, waxa uu Jamaal Cabdinaasir, u geeyey martiqaad in uu Nairobi, yimaado, soona arko taageerada hub ee ay Masar, Soomaaliya siiso waxa ay dadka reer NFD, u geysanayso. Dowladda Masar, waa ka cudur daaratay in ay aqbasho martiqaadka Kenya.
Safaro, isla fariintaas daaran ayuu Njoroge Mungai, Wasiirkii Difaaca Kenya, ku kala baxshay Kuwait, Saudi Arabia, Jordan iyo Iran. Kenya, dalalkaas dacwo iyo dalab ah in aysan Soomaaliya, hubeyn ayey ugeysay. Waxaa jiray socdaalo kale oo Wasiirka Arrimaha Dibada ku tagay Ingiriiska, Mareynkan iyo Italy, oo isla fariintaas sida.