Wareegii labaad ee Biden iyo Trump
Dooddii ugu dambeysay ayey Trump iyo Joe Biden, yeesheen. Xiisadda dooddu waa ka duwaneyd tii hore. Afartankii (40) mirir ee hore, si degan ayey dooddu u socotay. Mar dambe ayaa dooddu macno iyo milix yeelatay. Afar (4) jeer ayaa cod baahiyaha la damiyey inta madaxa la isa surtay. Saddex (3) goor Joe Biden, ayaa laga joojiyey, marna Trump.
Labada murashax, niman isku dhow maahan. Nin qorshihiisa, qaabdarada hadalkiisa iyo waxa uu qabanayo kaama qarsanaayo. Ninna waa ruux isku qoofallan. Ninka dambe waa siyaasi aan dhiil maran dhinac u ridi karin. Hayeeshee, ka af iyo edaab roon odeyga hore.
Kow iyo toban (11) beri oo keliya ayaa innaga xigta maalinta doorashada. Ilaa iyo hadda konton iyo afar (54) malyuun ayaa coddeysay, ayaga oo ka faa’ideysana in aysan sugin maalinta ugu dambeysa ee November 3.
Saadaashu boqol iyo konton (150) malyuun ayaa doorashadaan coddeynaysa. Waa tiro aad uga badan dadkii coddeeyey November 2016, ayada oo maanka lagu hayo cudurka safmarka ah ee Covid19. Boqol, sodon iyo todobo (137) malyuun ayaa doorashadii hore coddeysay.
Lix (6) mowduuc ayaa dooddu Joe Biden iyo Trump, daarneyn. Xal u helidda Covid 19, dhaqaalaha, Soogalootiga, iyo arrimaha dibadda ayaa dabka ugu badan shiday.
Madaxweyne Trump, si ba’an ayuu ugu fashilmay xal u helidda cudurkaan safmarka ah. Labo boqol iyo labaatan (220) kun oo ruux ayuu dilay Mareykan gudahiisa. Joe Biden, laftiisu,ma hayo talo maangal ah iyo mid soconaysa toona oo cudurkaan xal loogu helayo.
Siyaasadda soogalootiga Mareykan, waa bar madow oo Joe Biden, wajiga kaga taal. Siddeed (8) sano oo asaga iyo Madaxweyne Barack Obama, madaxtooyada joogeen labo dhibic shan (2.5) malyuun oo magangalyo raadisa ah ayey Mareykan ka masaafuriyeen. Siyaasadda iyo xakameynta xudduudaha Mareykan ee maanta Trump, maalayo waa mirihii Joe Biden iyo Obama, abuureen.
Saddexdii (3) sano ee ugu horreysay Obama iyo Joe Biden, ku dhawaad hal dhibic labo (1.2) malyuun ayey Mareykan, ka saareen. Madaxweyne Trump, wax ka yar siddeed boqol (800,000) oo kun ayuu masaafuriyey ku dhawaad afar (4) sano.
Dhaqaalaha Mareykan, inta aan cudurka Covid19 dhabarka ka toogan, Trump waa calan walleynayey. Hayeeshee, hadda shaqo la’aanta Mareykan, todobo dhibic sagaal (7.9%) boqolkiiba ayey mareysaa. Qorshaha dhaqaale ee Joe Biden, aad ayuu uga qurux badan yahay kan Trump. Hayeeshee, fulintiisa ayaa ku xiran taageerada iyo tirade uu ka helo labada (2) Aqal ee Mareykan.
Trump gudaha ayaa dibad u ah oo siyaasad amuur dibadeedna iskuma shuqliyo. Joe Biden, siyaasaddiisu waa faro–gelin iyo faduul ku dhisan kaa xoog weyni.
Labada nin, midi maankiisuu ku socdaa iyo hadal aan loo meel dayin. Ninna waa lala maqoortaa. Dadka Mareykan, oo maanka ka coddeeya, si fiican ayey u kala yaqaanaan labada murashax kan wax gooya.